Facebook Comments

AfrikaanAqoon Guud

“Aqoontu Waa Barasho, Xikmadduna Waa Kudhalasho”

Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Jaziirada Suqodra (Socotra) Oo Ay Leeyihiin Soomaalida Oo Lagu Wareejiyay Yaman -Tukesomalism.com

Soomaalida waa shacabka kali ah ee dhaawac xoog leh ka soo gaaray gacmaha isticmaarka ee dhanka Bariga qaarada Afrika iyo Badda Cas. Dhulkooda waa la kala qaybiyay, waxaana si gardarro ahna loo siiyay dalal kale ee isla gobolba iyo dibaddiisaba. Sanadkii 1897, Ingariiska wuxuu xabashida siiyay dhulka loo yaqaano Ogaadeen, sanadkii 1948-1954 isla xabashida ayuu siiyay Haud iyo Reserved Area, sanadkii 1963, xurnimada Soomaaliya kaddib, Ingariis wuxuu Kenya siiyay dhulka Soomaalida ee loo yaqaano Northern Frontier District (NFD) iyo ugu dambeystii 1967 isla Ingiriiska waxuu siiyay Yaman jasiirada Suqotra iyo kuwa kale oo ku dhow. Maadamaa Soomaaliya iyo dalalka deriska …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Maahmaahdu Waa Hadal Murtiyeed

  Maahmaahdu waa hadal murtiyeed, inta badan ka hadasha waayo aragnimo ama dhacdo qof soo martay kadibna ay ku reebto erayo xikmadaysan oo cabiraya dhacdadiisa saamaynta ku leh nolol maalmeedka bulsho waynta uu af ahaan iyo dhaqan ahaanba ka tirsan yahay. Soomaalidu waxay ku jirtaa dadka aad loogu tilmaamo inay leeyihiin luuqad hodan ah oo u suurto galisay inay reebi karaan oraahyo nuxur leh oo xambaarsan macna xeel-dheer, jirina karta inta ay jiraan dad isticmaala luuqadaa. Maahmaahooyinka caan baxay waxaa ka mid ah maahmaah koobtay dhammaan Banii’aadamka da’diisa taasoo leh sidaan: Sodon jir sariirtiisa lama seexdo (Ileyn meel kasto uu jiro …

Read more 0 Comments

Facebook Comments

Facebook Comments

Facebook Comments

Caafimaadka & Sayniska

Caafimaadka Dadweynaha Waa Muhiim Marwalbo

Caafimaadka iyo Sayniska

Afarta qaybood ee ugu waa wayn kemisteriga

  Kiimiko duleed: Waa laan kamid ah laamaha kiimikada taas oo qusaysa adeegsiga farsamooyin iyo aragtiyo fiisigiseed si loo barto nidaamyada kiimikeed. Kiimiko duleedka marka la barbardhigo fiisikis duleedka, sida qaalibka ah waa wax la arki karo, sida inta badan ay ku tusayso aragtiyada la xariira. Kiimikada wax yaabaha la taaban karo waxay kusalaysan yihiin afkaaro la xariira qaab dhismeedka qurubka. Intii lagu guda jiray qarnigii 19aad, kiimiko duleedku wax ay door muhiim ah ka ciyaartay fikradii Wilhelm Ostwald’s iyo Jacobus Henricus van’t Hoff’s oo ka shaqaynayay isku dheelitirka kiimikooyinka. waxay sidookale door muhiim ah ka qaadatay aragtidii Svante Arrhenius …

Read more 0 Comments
AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Sideen U Hormarin Karnaa Caafimaadka Caqliga iyo Maskaxdeenna?

Caafimaad qabka Maskaxda iyo caqliga aadanaha waa qeybaha ugu muhiimsan ee ubbaahan kawar qabidda, balse inteenna badan kuma baraarug sanin oo iskumaba dhibno in aan niraahno maxaaa uroon caqliga iyo maskaxdeenna. Guud ahaan waxa ugu badan ee saameeya maskaxda iyo garaadka qofka waa isku buuqa (Depression). Aqoon hore looma lahayn cudurka isku buuqa balse waa cudur soojireen ah waxa uuna ku dhacaa Maskaxda, taasina waxa ey sababtaa in uu qofku howl ama shaqo qabsan waayo, intabadanna waxa uu kadhashaa cudurkaan waayidda waxa uu qofku jecelyahay, ha’ahaadaan qof, shaqo ama xuriyadd. Saameynta deegaanka ayaa iyana qeyb weyn kaqaadata isbedallada ku dhaca …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Asiidhyo iyo Baysyo

  Ilaa iyo waayo hore waxaa jirey alaab dhadhankoodu xaamud yahay, waxaana kamid ahaa alaabtaas cinabka ceydhiin, liinta, khalka iyo caanaha suusaca ah. Qarniyo kooban dabadeed walaxda keenaysa dhadhankaas xaamudka ah ayaa loobixiyey  isku dhisyada Asiidh. Isku dhisyadaas magacooda waxaa laga sooqaatay magaca laatiiniga ah “acidium” oo loo akhriyo asiidhuyam, macnaheeduna yahay dhadhan kulul. Asiidhyo: ururka ugu muhiimsan kiimikooyinka ayaa loogu yeeraa asiidho. Asiidhasaas oo waraaqda litmaska kadhigaya casaan ama guduud, taas oo kadhigan in PH koodu ka hooseeyo 7. Asiidhada caanka ah: Asiidhada caanka ah ee inta badan kemisteriga aad kula kulmaysid waxaa ka mid ah: Haydarokoloorik asiidh HCl(aq) …

Read more 0 Comments

Facebook Comments
error: Content is protected!!